Waxaa galabta la soo gaba gabeeyay diiwaan galinta Musharaxiinta u tartamaya guddoonka Aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo la soo saaray liiska musharaxiinta.
Guddiga Qaban qaabada Doorashada Gudoonka Barlamaanka ayaa shaaciyay in ay isdiiwaan galiyeen Musharaxiin gaaraya ilaa iyo 22 Musharax kuwaas oo u taagan xilalka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.
Doorashada guddoonka Baarlamaanka ayaa dhici doonta 11-ka iyo 12-ka Bishaan Janaayo, sida ay horay u shaaciyeen guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.
Akhriso Liiska Musharaxiinta Gudoomiyaha Aqalka hoose iyo ku-xigeenadiisa

PUNTLAND POST