Keating oo gaaray Magaalada Baledweyne

Waxaa goordhow Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan gaaray Wafdi uu hogaaminayay Micheal Keating Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya.

Shalay magaaladaasi waxaa gaaray Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo wafdi Xildhibaano ah.

Keating ayaa la kulmi doono Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Wali ka soo horjeedo Maamulka Hirshaballe ee laga hirgaliyay Magaalada Jowhar.

Amaanka Magaalada Baled-weyne ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana goob kasta lagu arkayaa Ciidamo katirsan kuwo dowlada iyo AMISOM.

Keating ayaa isku dayaya in uu wada hadalo ku xaliyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baledweyne.

PUNTLAND POST