Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyey Safiirka Turkiga Soomaaliya iyo Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka sare ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha xarunta KMG ah Aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya.
Xarunta Aqalka sare uu ku shaqeyn doono hadda kaddib, waxaa dhistay dowladda Turkiga, iyadoo loogu talo-galay markii horeyba in ay noqoto xarun waxbarasho oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyadeeda.
Madaxweynaha, ayaa soo kormeerray xafiisyada iyo qeybaha shirarka ee loo diyaariyey in uu ku shaqeeyo Aqalka sare, si gaar ahna Hoolka fadhiyada ay ku yeelan doonaan.
Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga Koobaad ee Aqalka sare, waxaa ka soo qeyb-galay madaxweynaha, guddoomiyaha KMG ah ee aqalka sare, saraakiisha ciidammada Qalabka iyo Sanatorrada cusub.
Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Raagge, ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey furitaanka xaruntaan, dowladda Turkiga ayuu si weyn ugu ammaanay waxbqadkooda Soomaaliya, waxa uu sheegay in dhowaanna ay si dhab ah u guda-geli doonaan howlaha looga fadhiyo.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgen, ayaa sheegay in mashruucan lagu dhisay xaruntaan uu socdey laba sanno, haddana ay ku howlan tahay dowladda Turkiga in Muqdisho ay ka fuliso mashaariic ka ballaaran kuwaan.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga dhismaha xaruntaan weyn, waxa uu tilmaamay in xarunta Aqalka sare ay si KMG ah ugu shaqeyn doonaan, ayna ahaan doonto goob waxbarasho, wuxuuna xusay in uu dhawaan bilaaban doono dhisme weyn oo ay lahaan doonaan labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya uu ka kooban yahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay xubnaha Aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya in ay guda galaan shaqooyinkooda, dowladduna ay xoogga saari doonto in ay soo dadajiso waxyaabaha ka haray adeegyada ay u baahan yihiin, madaxweynaha ayaana si rasmi ah u furay Kal-fadhiga koobaad ee Aqalka Sare.
Xarunta KMG ah ee Aqalka sare Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay kutaalla degmada Shibis ee gobolka Banaadir.




PUNTLAND POST