Qarax ka dhacay xarun UN-ku uu ku leeyahay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacay qarax kaasi oo ka dhacay xarun UN-ka uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu soo xiray gaari nooca loo yaqaano Toyota Hilux oo ay laheyd Qaramada Midoobay waxaana uu ku dhex qarxay xarun  Ha’ada UNDP ay ku leedahay nawaaxiga Garoonka Muqdisho.

Ilaa iyo iminka si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi oo goordhow dhacay .

UN-ku wax war ah wali kama soo saarin oo ay arintaasi uga hadllayaan Saraakiil katirsan laamaha amaanka oo aan la hadalnay ayaa ka gaabsaday in ay Arintaasi ka hadlaan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho