Wasiirka Caafimaadka Jubbaland oo la Weeraray

Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow Qarax lagu weeraray guriga Wasiirka Caafimaadka Jubaland.

Qaraxani ah oo ahaa nooca Bamka gacanta laga tuuro ayaa la la eegtay hooyga Wasiirka Caafimaadka Jubbaland Xasan Daahir Yarow.

Khasaaraha ilaa iyo iminka lama Xaqiijin inta uu la egyahay maadaama goobta ay gaareen Ciidamo katirsan kuwo nabadsugida Jubbaland.

Ciidamada Jubbaland ayaa howlgalo ka wada xaafadaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho