Ciidanka Xadka Magaalada Ceuta ee dalka Spain ayaa qabtay labo qof oo u dhashay Dalka Morocco iyagoo isku dayay inay soogaliyaan tahriibayaal magaalada Ceuta ee ku taalla Waqooyiga Spain ee Africa.
Tahriibayaalka ayaa ka koobnaa sadex qof oo labo kamida gaari hoostiis lagu soo qariyay midna shandad lagu xiray xarig.
Markii uu cidanku baaritaan kusameeyay gaariga mid waxa laga helay xagga hore ee gaariga, midna kursiga danbe hoostiisa , midkalena waxa lagu sooqariyay boorso.
Ciidanku markii ay haleen waxa loola cararay goob caafimaad si ay helaan kaalmo caafimaad maadam ayna helin hawo ku filan.
PUNTLAND POST