DEG DEG: Qaraxyo Is Xig Xiga oo ka dhacay Muqdisho

Maqalka ilaa Labo qarax oo Si aad ah u Culusaa ayaa Goordhow Ka dhacay magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

qaraxyadaan oo ahaa Gawaari laga soo Buuxiyay Waxyaabaha qarxa ayaa waxa ay ka dhaceen Nawaaxiga Garoonka Muqdisho Gaar ahaan Meel ku Dhow Xirada Xalane Ee Ciidamada AMSIOM.

Lama Oga Qasaaraha rasmiga ah oo ay Qaraxyadaani Geeysteen Hayeeshee Jugta Qaraxyada ayaa si weeyn looga Maqlay Magaalada Muqdisho.

Xarunta Xalane Waa Farisiinka ugu weeyn Ciidamada AMSIOM ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

Waa Qaraxii ugu horeeyay Ee Dhaca Sanadkaan Cusub Ee 2017-ka  Waxaana Muqdisho Ay isku Diyaarineeysaa Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah .

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho