Al-Shabaab oo Qorsheynaya Weeraro Dhanka Internetka ah in ay ku qaadaan Doorashooyinka Kenya

Amaanka dalka Kenya ayaa ah mid khatar weyn kusugan, saraakiisha hay’adaha amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in koox aan la’aqoonin in ay  soo ifbaxday midooyinkii dambe kuwaa oo Qatar weyn ku ah  doorashooyinka ka dhici doona dalka Kenya oo laga cabsi qabo in xitaa al shabaab ay jabsadaan doorashada dalkaasi ka qabsoomi doonto.

Saraakiisha ayaa wax ay sheegeen in  bishii May ee sanadkii 2016 kooxo tabo bar casri ah u leh jabsiga Emailada in ay xadeen xogtii wasaarada arimaha dibadda dalka Kenya iyada oo website-kii wasaarada uu noqday mid mugdi ah.

Sanadii 2012-ka kooxo jabsata xogta ku keedsan internet-ka oo u dhashay dalka Indonesia ayaa masaxay dhamaan Emailada ay ku wada xiriiraan hay’adaha amaanka dalkaasi oo qaar kamid ah la’sheegay in dalkooda ay ku sugnaayeen waxaana ay iibsadeen 103 website oo dowlada Kenya ay laheyd.

Wareysi lala yeeshay Bethwel Opil oo ah maamulaha internet ee bariga qaarada Africa ayaa waxa uu sheegay in inta badan amaanka ciwaanada dowlada Kenya ay faraha ka baxeen taa oo ah dambiyo laga galay isticmaalka internetka isaga oo xusay in dowlada Kenya ay dhibane u tahay dhibaatooyinka isticmaalka internetka.

Dowlada Kenya ayaa waxaa ku soo wajahan doorashooyin ka qabsoomi doona dhamaadka 2017 waxaana cabsi weyn ay ka kala qabtaa weerararo kaga yimaada  al-shabaab iyo in lagu shubto doorashooyinkaasi oo loo maro dhanka internet-ka.

Waxaa  soo ifbaxay muran xoogan oo u dhaxeeya saraakiisha kaas oo  ku aadanaa in lagu codeeyo sanaadiiqda iyo in codka loogu dhiibto nidaamka electronikada kaa oo ay ka’cabsi qabaan al shabaab ay jabsadaan.

PUNTLAND POST