Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka socdo abaabulka Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo xod xodashada Xildhibaanada Baarlamaanka.
Tartan adag ayaa waxa uu dhexmari doonaa mudanayaasha kala ah Cabdirashiid Maxamed Xidig Wasiiru Dowlihii Wasaarada Arimaha Gudaha haatana ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Maxamed Sh.Cismaan Jawaari oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalena kamid ah xubnaha cusub ee Baarlamaanka.
Mudanayaashaasi ayaa kulamo gooni gooni ah waxa ay la leeyihiin Xildhibaanada Cusub kuwaasi oo ay ka dhaadhicinayaan sidii ay codadka u heli lahaayeen.
Warar hoose oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Jawaari lagu cadaadinayo in uu isaga tanaasulo raadinta xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka markale maadaama uu Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay isku Beel ka soo Jeedaan uu u sharaxanyahay madaxweyninmada Dalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa jira siyaasiin kale oo iyaguna doonaya in ay noqdaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaana kamid ah Siyaasiin ka soo jeeda Deegaanada Maamulka Soomaaliand.
Cabdirashiid Maxamed Xidig ayay isku xulufo yihiin madaxweynaha xilku ka dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho