Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacaya kulan ay yeelanayaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulankaan oo ah kii Labaad ayaa waxaa uu ka dhici doonaa Xarunta Golaha shacabka oo Casriyeen lagu sameyay ka hor inta aan Xildhibaanada la dooran.
Kulankaan ayaa waxaa looga doodi doonaa Sameeynta Guddiyada Doorashada Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaana Prof Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa PUNTLAND POST Xafiiska Wararka ee Muqdisho u sheegay in kulankaan looga hadlayo arimo la xiriira Doorashada Gudoonka iyo Kan madaxweynaha.
27-kii Bishaan ayey aheyd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka kooban Labada aqal intooda badan lagu dhaariyay magaalada Muqdisho.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana goob waliba lagu arkayaa Ciidamo katirsan kuwo Dowlada Soomaaliya waxaana la xiray goor hore oo saakay ah wadooyin muhiim ah Muqdisho.
Hoos ka dhageyso Warbixin.