Baarlamaanka Cusub Oo Beri Go’aaminaya Waqtiga La dooranayo Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha

Waxa lagu wadaa in maalinka beri ah in magaalada muqdisho kulankoodi labaad ay ku yeeshaan xidlhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa kulankooda beeri ku shaacindoona xiliga la qabanayo doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa dhinaca kale xildhibaanada ayaa mudeyndoona waqtiga la qabanayo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa kulankooda beri waxa ay ku magacaabidoonaan Guddiga ka shaqeyn doona Doorashada Guddoonka Labada Aqal waxana guddiyadaan ay turxaan bixindoonaan arrimaha doorashada.

Xildhibaanada labada aqal badankooda waxaa la dhaariyay 27-kii Bishaan iyadoona dhaarintooda lagu qabtay magaalada muqdiisho.

PUNTLAND POST