Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ( Gaas ) iyo waftigii uu hogaaminayay oo muddo toddobad ka badan ku maqnaa magaalada Muqdisho ayaa la filayaa maanlinta bari ah in ay ka degaan magalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Madaxweynaha Puntland ayaa ka qeyb-galay shirkii ugu danbeeyay ee madasha wada tashiga qaran oo laga soo saaray war-murtiyeed, kaas oo Beesha Caalamk ka hor timid oo sheegtay inay ka walaacsan yihiin qaar ka mid ah go’aanada kasoo baxay ee ku saabsan hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.
Magaalada Bosaaso ayaa laga dareemayaa soo dhaweynta maxaweynaha waxaana lagu wadaa inta uu ku sugan yahay Boosaaso in uu kulamo kala duwan la qaato qeybaha bulshada iyo maamulka Gobalka Beri.
Safarka Madaxweyne Gaas ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmihii ugu danbeeyay magaalada Boosaaso dilalkii qorsheysan loogu geystay masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Puntland.
PUNTLAND POST