Qarax lagu soo xiray gaari ayaa saakay ka dhacay wadadda kowaad ee Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Hoteelka Waheen.
Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari uu leeyahay mid kamid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxa uuna dhacay markuu ka dagay gaariga, waxaana la xaqiijiyay in qaraxa uu baabi’iyay kaliyaha kurisigii uu darawalka uu ka fadhiisto .
Ninka Ganacsatada ah oo magaciisa ka gaabsay in uu shaaciyo ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in uusan garanaynin sababaha qaraxa loogu xiray gaarigiisa, iyadoo markuu ka dagay kadib inta uusan furin goobtii ganacsi la qarxiyay.
“Qaraxa waxaa lagu xiray kursiga laga wado gaariga, waxuu dhacay markaan ka dagay kadib, xaqiiqdii ma ogaan karo cid ka dambeysay, balse waa la ogaan doonaa”, ayuu yiri Ganacsadaha.
Magaalada Muqdisho waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qarax gawaaridooda loogu mas’uuliyiin sar sare.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho