Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ayaa xalay Magaalada Muqdisho kusoo bandhig nin la sheegay in uu ahaa wadihii gaarigi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ee dhawaan lagu weeraray afaafka hore ee Dekadda Muqdisho.
Maxamed Ibaraahim Xasan, oo lagu soo qabtay howlgal qorshaysan oo la fuliyay ayaa sheegay in uu isagu waday gaarigii walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ee ku qarxay bannaanada hore ee Dekeda Magaalada Muqdisho 11-December.
“Waxaan ahaa Darawalkii waday gaariga ku qarxay Dekeda Muqdisho, waxuuna qorshuhu ahaa in aan gaariga ku qarxiyo albaabka hore ee Dekeda, kadibna gaari kale ee nooca raaxada ah oo ay saaran yihiin 5 Nin oo hubeysan in ay gudaha u soo galaan Dekeda, hase ahaatee inta aan la gaarin xilliga qaraxa uu dhacayo habeenkeedii ayaan ka laabtay go’aanka ah in aan is dilo , waxaana sameeyay si aysan ii fahmin 5-ta kale ee hawlgalka ila waday ayaan gaarigii soo waday habeenkii, waxaana dhigay goobta uu ku qarxi doono subaxdii.”ayuu yiri Maxamed Ibaraahim Xasan.
Sidoo kale Maxamed Ibaraahim Xasan ayaa sheegay in gaariga qaraxa loo adeegsaday in uu ku baryay meel aan sidaas ugu fogeyn dekadda Magaalada Muqdisho, bartilmaameedkana ahaa in lala galo gudaha dekadda.
Dhanka kale Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed NISA ee Gobolka Banaadir, Maxamed Xasan Faarax, ayaa xaqiijiyay in ninkaasi ay ka soo qabteen deegaanka Nambar Konton ee Gobolka Shabellaha Hoose.
“Ciidamada NISA oo isticmaalaya Tignoolajiyada casriga ah ee lagu baaro qaraxyada iyo daba-galka ayaa gacanta ku soo dhigay dhagarbe Maxamed Ibaraahim Xasan oo lagu daba jiray, waxaana laga soo qabtay deegaanka Lambar Konton.” Ayuu yiri Taliyaha.
Qaraxaas dhacay 11-December waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 30-ruux, mas’uuliyada qaraxa waxaa sheegtay dagaalyahanada Al-shabaab.
PUNTLAND POST