Dhaarinta Xildhibaanada cusub oo maanta ka dhici doonto Muqdisho

Waxaa maanta oo Talaado ah taariiqduna ay ku beegantahay 27-ka December lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu dhaariyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Madasha Dhaarinta ayaa waxaa ka soo qeeybgali doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno katirsan madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka.

Madasha ayaa sidoo kale waxaa xaadir noqon doono Xubno ka socdo Beesha Caalamka kuwaasi oo goob joog ka noqon doono doorashada.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana goob waliba la dhigay ciidamo katirsan kuwa dowlada oo Amaanka xaqiijinaya.

Inta badan isgoosyada magaalada Muqdisho ayaa ah maanta kuwo xiran iyada oo aanay isticmaaleeynin dadka iyo gaadiidkuba.

Dhaarinta kadib Xildhibaanada cusub ayaa guda gali doono hoowlaha culus ee horyaala oo ay ugu horeeyso doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho