DEG DEG: Gudoomiye Baarlamaanka KMG ah Ee Soomaaliya oo la Doortay

Cusmaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Gobolada Waqooyi ee dhowaan lagu doortay magaalada Muqdisho  ee Caasimada ayaa Noqday Gudoomiyaha KMG ee Xildhibaanada aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka.

Xildhibaan Boqore ayaa Noqday  ninka ugu da’da weyn ee Baarlamaanka aqalka Hoose, waxaana la sheegayaa inuu dhashay sanadkii 1939-kii.

Dhanka kale Maxamed Xuseen Ragge(Surwaal weyne) oo kamid ah Xubnaha aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaliya ayaa isna loo doortay in uu Noqdo Gudoomiyaha KMG ee Xubnaha aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaliya kadib markii uu Noqday ninka ugu da’da weyn xubnaha aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho