Ra’iisul Wasaaraha dowlada Federaal Soomaaliya ahna musharax u taagal xilka madaxtinimada dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Xildhibaanada Labada Aqal ee Barlamaanka soomaaliya umatalaaya Jubbaland.
Ra’iisul Wasaare Sharmaarke ayaa ka codsaday Xildhibaanada labada Aqal in ay codkooda ku taageeraan, si uu dalka wax badan ugu qabto, Wuxuuna intaas ku daray in hadii uu ku guuleysto qabashada xilka madaxtinimo ee dalka uu wax badan qaban karo, islamarkaana qibradiisa uu uga faaiideynayo dalka.
Qaar kamid ah Xildhibaanadii kulanka ka qeyb galay ayaa soo dhaweeyay kuna taageeray Ra’iisul Wasaaraha damaciisa ku aadan in uu Madaxweyne ka noqdo dalka, waxayna u sheegeen in ay taageerayaan codkoodana siinayaan.
Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa dhawaan la kulmay Xildhibaanada Labada Aqal ee Puntland , wuxuuna ka mid yahay musharaxiinta ugu cadcad qabashada xilka madaxtinimada dalka.











PUNTLAND POST