Dagaal Culus oo ka socdo Degmada Balcad

Wararka ka imaanaya duleedka degamda balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa kuwaramaya in saakay uu dagaal xoogan halkaasi ku dhex marayo ciidamo kawada tirsan kuwa Militariga soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu bilowday habeenkii xalay ahaa, waxaana lagu waramayaa in saakay uu dib uga qarxay deegaanka xawaadley ee duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo deegaanka ay gaareen Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Malatariga Dowladda Soomaliya si ay dagaalka ugu qeyb qaataan.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka aagga Jiida iyo Xawaadley ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamuud Xaaji Axmed (Sheegow) ayaa ku eedeeyay taliyaha Guutada 5-aad ee Xoogga dalka Soomaliyeed in uu dagaal kula jiro taliska 1-aad ee Ciidamada Xoogga ee Gobolka ku sugan.

Dagaalka xalay iyo saakay ka socda deegaanka xawaadley ee duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ku dhintay 7-ruux oo u badan ciidamada wada dagaalamay ee ka tirsan Xoogga dalka Soomaliyeed.

PUNTLAND POST