Ilhaan Cumar waa gabar Soomaaliyeed oo ka tirsan golaha Wakiilada Xisbiga Dimuqoraadiga dalka Mareykanka islamarkaana laga soo doortay gobolka  Minnesota.
Ilhaan oo dhawaan muqdisho socdaal ku soo gaartay islamarkana kulamo la qaadatay Madaxweynaha dowlada soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ay kaga xog warantay xaalada Soomaalida ku nool wadanka Mareykanka.
Ilhaan ayaa si weyn logu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo waxaana Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ay kulamo kula qaadatay Haweenka ku dhaqan magaaladaasi.
Ilhaan waxaa safarkeeda ku wehliya Saygeeda Ahmed Hirsi.
Ilhaan ayaa dooneyso in meelo kamid ah Soomaaliya ay safari kala duwan ku bixiso, waxaana ilhaan dhinaca kale lagu wadaa in isla maanta gaarto Magaalada Garowe ee xarunta Puntland.
Hoos ka Daawo Sawirada.

Puntland Post