Qaraxyo is Xigxiga oo ka dhacay dalka Mexico

Qaraxyo is xigxigay oo aad u xoogan ayaa ruxay suuq ganacsi oo lagu iibiyo rashka iyo baaruud xiliyada dabaal degyada la adeegsado oo kuyaala duleedka caasimadda dalka Mexico.

Inta la xaqiijiyay 29 qof ayaa ku dhintay halka tira kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo kamid ahaa ganacsatada Suuqa iyo dad kale oo ka dukaameysanayay.

Muuqaal la yaab leh oo si toos ah TV looga baahiyay ayaa muujinayay sida uu ku bilowday dab qabsaday qeyb ka mid ah suuqa, waxaana la arkayay qaraxyo si is xigxiga u dhacaya iyo holac iyo qiiq hawada isku shareeray.

Dhacdooyiin tan la mid ah ayaa suuqan baabi’iyay sanadkihii 2005 iyo 2006-dii.

1

2

3

4

5

6

7
PUNTLAND POST