Ilhaan Cumar oo Ah Gabar Soomaaliyeed oo Xubin ka ah Golaha Senate-ka Ee Dalka Mareykanka ayaa Booqasho ku timid dalkeeda Hooyo Ee Soomaaliya.
Ilhaan Cumar ayaa soo Dhoweeyn Balaaran loogu sameeyay Gudaha Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Ilhaan Cumar waxaa socdaalkaan ku wehliyay Saygeeda Waxaana ay la kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulan Saacado badan qaatay ayeey uga wada hadleen arimo kala duwan waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu Ilhaan ku Soo Dhoweeyay Dalkeeda hooyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay Xilka ay ku Guuleeystay islamarkaasina ay tahay Guul u soo hoyatay Soomaaliya.
Mrs Ilhaan ayaa Dhankeeda sheegtay in ay ku faraxsantahay in dalkeeda ay timaado islamrkaasina ay kulan la qaadato Madaxweyne Xasan Sheekh.
Hoos ka Daawo Sawirada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho