Kulan lagu soo dhaway guusha Haweenka ee 25% oo Gaalkacyo lagu Qabtay

Waxaa maanta magaaladda Gaalkacyo lagu qabtay, kulan lagu soo dhawayna guusha ay haweenku ka gaareen labada aqal ee Soomaaliya, oo horay loogu qoondeeyey in ay haweenku yeeshaan 30%, waxaana haatan lagaaray 25%.

Kulankaan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda TAG foundation, ayna kala soo qayb galeen saaxiibadeeda Talawadaag iyo Safiirada Idman, aye uga hadleen dareenkooda ku aadan guusha ay haweenku gaareen, waxaana ay fariin u direen haweenkii ku guulaystay kuraastaas, oo ay sheegeen in loolan adag losoogalay sidii ay ku heli lahaayeen.

“Waxaan matalaysaan Soomaaliya oo dhan, sigaar ah haweenka Soomaaliyee, Kuraasta aad ku fadhidaana waxaa loo galay  dadaal dheer oo habayn iyo maalinba ahaa, marka waxaa la idin karabaa in aad si wanaagsan uga abaal guddaan Juhdigii badnaa ee la idin galiyey” Sidaas waxaa tiri Gudoomiya Safiiradda Idman Marwo Caasho Geele Diiriye.

Mar Caasho ayaa sheegtay in ujeedku uusan ahayn in gabari meesha timaado, ee macnaha dhabtaahi uu yahay in la doonayo sidii wadankaani uu u heli lahaa isbadan siyaasadeed oo ka duwan kii hore ee ku salaysnaa isa qab qabsiga iyo kala qayb sanaanta.

“30% ayaan leenahay, hadana waxaan gaarnay 25%, runtii lama wada gaarin laakiin waa guul, waana tiradii ugu badnayd ee mar qura wada guurno, meel hoose ayaan ka nimid, waxaan rajaynayaa in aynu gaarno 50% iyo ka badan”  Ayey sii raacisay marwo Caasho.

Ugu danbayntii Gabdhaha iyo wiilasha dhalinyarad ah ee Kusoo baxay kuraasta Baarlamaanka, ayaa waxaa lagula dar daarmay in ay yihiin hogaankii wadankaan, wajahad cusub oo lagu farxo u furilahaa, Haweenka ayaa iyaga sigaar lootir tirsiiyey in ay uqalab qaataan sidii ay meelkasta uga keeni lahaa yeen 30%, golaha wasiirada, agaasimayaasha iyo wax yaabaha lamid kaa.

img_5768

img_5771

img_5777

img_5790

img_5834

img_5837

img_5844

PUNTLAND POST