Qarax Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Muqdisho

Gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ku qarxay inta u dhexeysa Tiyaatarka Qaranka iyo Ex-Fiyoore ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amiga Qaranka Soomaaliya C/kaamil Macallin Shukri ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Gaariga qarxay uu ahaa nooca raaxada, kaas oo si xoog ah kusoo dhaafay goobta baarista gaadiidka ee agagaarka Teatre-ka.

Afhayeenka ayaa intaas raacshay in gaarigu halkaasi ku rogmaday, uuna ku dhintay wadihii gaariga, halka Seddex qof oo rayid ahna ku dhaawacmeen.

Taliyaha Ciidanka qaybta Waliyoow Cadde ee Gobolka Banaadir Maxamed Daahir ayaa isna sheegay in qaraxa lala damacsanaa gaarigiisa oo goobta marayay.

Axadii la soo dhaafay ayay ahayd markii qarax dad badani ku dhinteen uu ka dhacay Afaafka hore ee Dekeda Muqdisho.

PUNTLAND POST