War kasoo baxay Guddiga Madaxa Banaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal ayaa lagu laalay kuraasta 11 Xildhibaan oo laga soo doortay Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.
Hoos Ka Aqriso Magacyada xubnaha lasoo celiyay, Qabiiladooda iyo Meelaha laga soo Doortay
1. Maxamed Cabdullaahi Cabdullaahi Nuux (Jidle/Hirshabelle)
2. C/laahi Maxamed Aadan ( Gaaljecel/Jubbaland).
3. Cabdi Maxamuud Axmed (Majeerteen/Ugaar Saleeban/ Puntland).
4. Sharmarke Garaad Saleebaan (Dhulbahante/Puntland).
5. Cabdicasiis Saalax Carmaan (Carab Soomaali/HirShabelle).
6. Maxamed Abtidoon (Gaabane/Saleebaan/Galmudug).
7. Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed (Macalin Weyne/ D&M/ Koonfur Galbeed).
8. Samra Ibraahim Cumar (Geelidle (D&M/K/Galbeed)
9. Muna Khaliif Sheekh (Tuni/Daaqtire/D&M/K/Galbeed).
10. Maxamed Saciid Cabdullaahi ( Begedi/D&M/K/Galbeed)
11. Nadiifa Aadan Isaaq ( Shanta Caleen/D&M/K/Galbeed)

Dhinaca kale Warar madax banaan oo soo gaaraya PUNTLAND POST ayaa sheegaya suurta galnimada kuraas kale oo ka mid noqda kuwa lagu soo celiyay maamuladan , ka dib markii ay sheegeen Guddigu in Xildhibaanadani ka mid yihiin kuwa lagu soo doortay hab musuq maasuq leh iyo cadaalad daro ah.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho