Wariye Caan ah oo Xasbi ku Geeriyooday

Mohamed Tamalt oo ah Wariye British-Algerian ah ayaa ku dhintay xabsiga kadib markii uu cuntada ka soomay isagoo ka mudaaharaadaya muddo laba sano oo xarig ah.

Talmalt oo lagu xukumay maxkamad Algerian ah ka dib markii uu aflagaadeeyay saraakiisha uuna hadalo cay ah u jeediyay Madaxweynaha Algeria Abdelaziz Bouteflika Gabay uu dhigay bogiisa Facebook.

“Waxaan xaqiijin karaa dhimashada wariye Maxamed Tamalt isbitaalka Bab el-Oued ka dib markii uu cuntada ka soomay in ka badan saddex bilood islamarkaana galay kooma saddex bilood ah,” ayuu Amine Sidhoum, qareenka Tamalt ku qoray Facebooka.

Tamalt, 42 jir ahaa , ayaa u dhintay xanuun Caabuq ah markii uu galay kooma.

PUNTLAND POST