
Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa xaley ku guuleeystay abaalmarinta xidiga aduunka ugu fiican ee Ballon d’Or oo ay bixiso France Football Magazine, waaana markii Afaraad ee uu abaalmarintan ku guuleeystay xidiga Real Madrid.
Cristiano Ronaldo ayaa Lionel Messi iyo xidigihii kale oo la tartamayay ku garaacay codbixintii ay suxufiyiinta ay France Football u soo xulatay ka qayb galka abaal marintan, isagoo helay 745 dhibcood halka Messi oo galay labaad uu helay 316 dhibcood halka Antoine Griezmann oo galay Seddexaad helay isna 198.
Cristiano Ronaldo ayaa sanadka 2016 kooxdiisa Real Madrid ku hogaamiyay hanasha koobka Champions League, islamarkaana uu xulkiisa Portugal la qaaday koobka Euro 2016
Cristiano Ronaldo ayaa haatan kaalinta labaad kaga jira dhanka hanashada abaalmarintaan oo la aas-aasay sannadii 1956 dii, isagoo hal abaalmarin ka danbeeya xiddiga Barcelona ee Lionel Messi.



PUNTLAND POST