Madaxweynaha Gal-Mudug oo lagu Wado in uu is casilo

Warar soo baxaya ayaa sheegeya in Madaxweynaha Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed uu iska casilayo xilka madaxweynenimo ee Galmudug

Iyada oo aan lagu xadgdubeyn hannaanka wax qeybsiga beelaha ee 4.5 ayaa waxaa isbeddelkan uu saameynayaa Wasaaradda arrimaha gudaha,Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Galmudug.

Is afgarad dhexmaray Madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxweyne Ckariin Xuseen Guuleed ayaa muujiyey habka uu isbeddelku uga dhacaya hoggaanka Galmudg

C/raxmaan Odawaa ayaa  noqonaya Madaxeynaha Galmudug,halka Madaxweyne Guuleed la filayo in uu noqdo Wasiiru dowlaha madaxtooyada.

Mahad Salaad oo ahaa Wasiirka madaxtooyada ayaa hadda noqonaya wasiirka Arrimaha gudaha  iyo Federaalka ee dowladda dhexe.

 

PUNTLAND POST