Qaraxyo Mataano ahaa oo Khasaare Geeystay oo ka dhacay Turkiga

Labo qarax oo mataano ahaa oo ka dhacay bartamaha magaalada Istaanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaa ku dhintay 29 qofood halka 166 oo kale ay ku dhaawacmeen sida ay sheegayaan saraakiisha dowlada.

Qaraxyadan ayaa la rumeysan yahay in ay aheeyeen ismiidaamin lala beegsaday saraakiisha police-ka.
Dadka halkaasi ka ag dhawaa ayaa sheegay in ay maqleen rasaas xoogan kadib markii uu qaraxa dhacay oo ay ka soo baxeen garoon lagu ciyaaro baskitboll-ka degmada Besiktas ee dalka Turkiga.

Dalka Turkiga ayaa bilihii dambe wajahayay qaraxyo xoogan oo ka dhacayay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

10 qof ayaa la xeray kadib qaraxan khaasaraha xoogan geestay, walina majirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkan laakin inta badan waxaa la aaminsanayahay in maleeshiyaadka kurdida iyo kooxda ISIS in ay fuliyaan weerarada ka dhaca gudaha dalka Turkiga.

A view of Besiktas football club stadium, following at attack in Istanbul, late Saturday, Dec. 10, 2016. Two loud explosions have been heard near the newly built soccer stadium and witnesses at the scene said gunfire could be heard in what appeared to have been an armed attack on police. (AP Photo) TURKEY OUT

Turkey ExplosionsTurkey ExplosionsAPTOPIX Turkey ExplosionsTurkey ExplosionsTurkey ExplosionsAPTOPIX Turkey Explosions

PUNTLAND POST