in kabadan 20 Ruux ayaa Geeriyootay in kabadana waa ay ku Dhaawacantay kadib markii qarax xoogan oo gaari loo adeegsaday uu ka dhacay Nawaariga Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoog badan islamarkaana dhawaqihiisa laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wararka waxa ay sheegayaa in uu ahaa mid ismiidaamin ah islamarkaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,ujeedkana uu ahaa in lala galo gudaha Dekadda Magaalada Muqdisho.
Qaraxa kadib waxaa laga maqlay goobta rasaas xoogan ay ridayeen Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya ee ku sugan dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho, waxaa goobta soo buux dhaafiyay Ciidamo ka Tirsan kuwa dowladda Soomaliya, gaar ahaan kuwa Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka.
Al-Shabaab ayaa sheegtay Masuuliyada Weerarkaasi iyaga oo Sheegay in ay ku Dileen Askar Katirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Halkan ka Dhageyso Warbixinta
Hoos ka Daawo Sawiro.


Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho