Gaari taarikada Somaliland ku xiran tahay oo loo Adeegsaday Qarax Ismiidaamin Ah

Taliska Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaliya ayaa sheegay in Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha  qarxa islamarkaana Caasi ahaa oo ku qarxay Kantaroolka Deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Taliska Hay’adda NISA ayaa sheegay in gaariga uu qarxay xili uu baarayay askari ka Tirsanaa Ciidamada Nisa halkaasna uu askariga oo qur ah uu ku dhintay.

Sidoo kale Taliska Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaliya ayaa sheegay in gaari ku qarxay Kantaroolka Deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho in taarikadiisa ay aheyd mida laga isticmaalo deeganada Maamulka Somali-lad.

“Gaariga ku qarxay Kantaroolka Deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho,waxa uu ahaa gaari caasi ahaa, waxa uu qarxay isagoo la baarayo, waxaa gaari ku xirnaa sumada laga isticaamo deeganada maamulka Somali-land baaritaano dheeri ah ayaa xiligaan socda dhawaana waxaa lasoo bandhigi doonaa”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay NISA.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

15327306_10154822134609583_5808787773561658670_n 15355787_10154822134319583_3075544414850102148_n15355787_10154822134319583_3075544414850102148_n 15356727_10154822134144583_1388004883634737770_n

PUNTLAND POST