Guddiga Doorashooyinka oo Tartanka Baarlamaanka ka Reebay wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya

War saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka ayaa waxaa looga hadlay shaqaadii ka dhacday Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Guddiga Doorashada Dadban ee dalka ayaa War saxaafadeedkooda ku sheegay in laga reebay tartanka doorashada aqalka hoose ee baarlamanka kursiga ay leedahay beesha Jidle laba musharax oo ugu tartami lahaa.

Musharaxiintan guddigu ka reebay doorashada aqalka hoose ayaa kala ah Maxamed Cabdulaahi xusee (Nuux) wasiirkii dhalinyarada iyo Cayaaraha xukuumada Soomaaliya iyo Ganacsade Axmed Sheekh Nuur (Ciro).

Duddiga Doorashooyinka  ayaa Labadan Musharax ku ee deeyay in ay masuul ka ahaayeen shaqaaqadii 18 November ka dhacday hool doorasha ee Jowhar.

Ma ahan markii ugu horeysay oo lagu diido qoraal kasoo baxay guddiga dorashada siyaasiin ka qeyb gali lahyd doorashada aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya.

20161207_230525

20161207_230557

PUNTLAND POST