Maxamed Cumar Carte oo ku Guuleeystay Kursigii ugu Horeeyay Ee Xildhibaanada Gobolada Woqooyi

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya waxaa maanta ka bilowday Doorashada Xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada Gobolada Woqooyi.

Kursigii ugu horeeyay doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deegaanada Maamulka Somali-land waxaa ku guuleysay Raisulwasaara ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cumar Carte.

Raisulwasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaliya  Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa helay 47-cod halka Axmed Cismaan Ismaaciil oo la tarmayay uu helay 4-cod sidaas ayuu ku guuleystay Carte.

PUNTLAND POST