Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Khadar Yuusuf C/llaahi iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Axmed Caalin oo uu Xalay Magacaabay Madaxweynaha Soomaaliand ayaa ku dhawaaqay in ay iska Casileen Xilkii uu Siilaanyo u magacaabay
Masuuliyiintaasi ayaa sheegay in aanay dooneeynin Xilkaasi Loo magacaabay islamarkaasina ay diideen.
“Waxaan u sheegeynaa Ummadda Reer Somaliland in Xilalka naloo Magacaabay aanan ku shaqeyn doonin oo aan Diidnay,Maadaama aanan horay noogula Wargalin”ayey intaa ku dareen.
Sidoo kale Wasiir Ku Xigeenkii Wasaarada Kaluumeeysiga Somaliand Cabduqaadir Maxamuud Dhagweyne Ee uu Xalay Magcaaabay ayaa Goordhow ku Dhawaaqay in uu iska Casilau Xilkaasi.
Cabdiqaadir Dhagowayne ayaa ku sababeeyay is casilaadiisa in aan lagala tashan xilkan loo magacaabay, isla markaana aanu diyaar u ahayn in uu xilkaasi qabto.
Dhagowayne ayaa xilkan loo magacaabay isagoo dalka ka maqan kuna maqan dalka Imaaraatka Carabta gaar ahaan magaalada Dubia.
Warar Soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale laga yaabo in xubno kale ay is casilaan kuwaasi oo aan ku qanacsaneeyn Xilka loo Magacaabay.
PUNTLAND POST