Madaxtooyada Soomaaliya oo Si kulul uga jawaabtay Hadal ka soo yeeray Ra’iisulwasaare CCC

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaliya aya si kulul loogu hadlay hadal shalay magaalada Kismaayo Caasimada KMG ee jubbaland uu ka sheegay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo ahaa in dalka uu u baahan yahay is bedel dhinaca hoggaanka ah.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku tilmaamay hadalkaas mid aan loo baahneyn oo ka fog anshaxa doorashooyinka isla markaasna uu ka leeyahay dano gaar ah.

“Waxaa wanaagsan inuu Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke,  ilaaliyo anshaxa doorashooyinka iyo mas’uuliyadda wali uu u hayo dalka ee Ra”iisul Wasaarenimo, ma wanaagsana in uu  ololaha doorashadiisa shaqsiydeeyo”ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo sii hadlayay ayaa yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh , wuxuu mudan yahay in lagu aammaano difaacida  dananaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo diidmada faragelinta tooska ah ee  shisheeyaha, Madaxweynu mar walba waa ka go’an tahay illaalinta xaduudaha dalka ee dhanka badda Iyo bariga” ayuu yiri  Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Arintaan ayaa muujinaysa loolanka musharaxnimo ee xiligaan u dhaxeeya Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo mar kale doonaya in uu kusoo laabto kursiga madaxtinimo ee Soomaliya.

Halkan ka dhageyso Codkii Ra’iisulwasaaraha kana aqriso warka uu  ku Sheegay in Dalku uu Galay Dib Dhac Loona baahanyahay hogaan Cusub.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho