Jeylaani Nuur Iikar oo ah Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka waqtigiisa uu Dhamaaday Ayaa ku guuleeystay Kamid Noqoshada Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia.
Jeylaani ayaa helay 28 cod, halka Musharaxa la tartamayay C/casiis Cusmaan yarow uu helay 23 cod , waxaana ay aheyd doorasho aad u adkeyd oo labada musharax ee ku tartamayay Kursiga Beesha Shaanshi ee beelaha Banaadiriga uu loolan adag ka dhaxeeyay.
Dad badan ayaa aaminsanaa in Jeylaani uu codod badan uu ku guuleysanayo, waxaana shanta cod ee uu ka horeeyay la sheegay inuu helay xilligii u dambeeyay ee diyaar garowga doorashada, markii uu sameeyay olole xoog leh, oo uu cododka qaar lacago badan ku bixiyay.
Guddoomiyaha Guddiga doorashada ayaa markii ay dhamaatay tirinta cododka ku dhawaaqay natiijada doorashad,a isagoo tilmaamay in Jeylaani uu ku guuleystay.
PUNTLAND POST