Afar ka mid ah Ciidamada Ururka Al-shabaab ayaa kasoo muuqday sawir muujinaya iyagoo dul taagan diyaarad nooca Drone-ka ah oo habeen hore ku soo dhacday deegaanka Bariir oo ka tirsan Gobolka SHabeelaha Hoose.
Al-shabaab ayaa diyaarada kusoo bandhigay deegaanka lagu magacaabo Mubaarak oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, mana aysan bixin wax faahfaahina oo ku saabsan diyaarada iyo wadanka laga leeyahay marka laga reebo sawirada muuqaalka ah.
Dhowr jeer oo here ay Al-shabaab diyaarado Drones ah ku soo bandhigeen Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Gobola kale oo Koonfurta Soomaaliya ah.




PUNTLAND POST