
Dagaal yaa maanta ku dhexmaray Ciidamada Puntland iyo koox taabacsan Daacish Deegaan lagu magacaabo Basaasin oo qiyaas ahaan 53-KM u jira Degmada Qandala ee Gobolka Bari.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo hogaaminay Ciidamada Puntland oo waraysi gaar ah siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in dagaal maanta dhexmaray iyaga iyo koox taabacsan Daacish ay ku dileen Todobo ka tirsan Daacish, iyagana ay kaga dhaawacmeen Seddex Askari.
“Waxaanu joognaa meel 53-KM ujirta Qandala oo layiraahdo Basaasin, goor danbe ayaa halkan nimi waxaa nagu qabsaday dagaal anaga iyo qoladii Daacish Miino ayay noo dhigeen, badadeedna in taan Miinadii furaynay ayay Rasaas nagu soo bilaabeen waanu iska caabinay, khasaarahaan kuu sheegay Toddoba nin oo meyda waan aragnay qoryahoodiina waan haynaa, Khasaarahaas ayaa iyaga gaaray, Anaga Seddex nin ayaa naga dhaawacmay oo dhaawac fuduf ah saaka sidaas ayaa dagaalku ku bilowday” ayuu yiri gudoomiye Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo).
Mar Dhedo la weyddiiyay waxa ay kala kulmeen, cududooda in ay Soomaali yihiin ama Ajaanib iyo Hubka ay ku hubaysan yihiin kooxdaas, ayuu sheegay in Ciidanka ay maanta ladagaalamay ay ahaayeen wada Soomaali, ayna ku hubaysnaayeen Qoryaha BKM, AK47 iyo Baasuuke.
Gudoomiye Dhedo waxa uu sheegay in qorshahoodu yahay in ay Qandala xoreeyaan ayna dadkii daganaa dib ugu soo laabtaan Degmada, markaas ka dibna ay wixii ka baxsada ay dib u raacdaysanayaan.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada uu la socdo ay isu jiraan Daraawiish, PMPF iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta, ayna 24-ka saac ee soosocda ay ka soo hadlidoonaan Degmada Qandala ee Gobolka Bari, hadii ilaahay idmo.
Dhanka kale ma jiraan warar madax banaan oo kusaabsan khasaaraha dagaalka maanta, waxaana deegaanka ka go’an Isgaarsiinta.
Kooxda taabacsan Daacish yaa Degmada Qandala la wareegtay 26-kii October ee sanadkan waa markii ugu horaysay oo ay Ciidamada Puntland Dagaal ku Dhexmaro deegaankaas.
PUNTLAND POST