Wararka ka imaanaya gobolka hiiraan ayaa ku waramaya in dhaawac loo geystay gudoomiyaha degmada jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow.
Wararka ayaa xaqiijinaya in weerar lagu qaaday adiid uu la socday gudoomiyaha degmada jalalaqsi, waxana la xaqiijiyay dhaawac aan la ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay uu soo gaaray gudoomiyaha degmada jalalqsi Maxamed Cabdulle Fiidow.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada ayaa Sheegay in dagaal saacado qaatay uu gudoomiyaha ku qabsaday duleedka degmada.
Dagaalyahano ka tirsan al shabaab ayaa la sheegay in weerarka ay fuliyeenw waxaana sidoo kale jiro qasaare soo kala gaaray ciidamada dagaalamay.
Kolanyada gadiidka uu la socday gudoomiyaha waxaa safaraka ku wehlinayay ciidamo isugu jira kuwa dowladda iyo kuwa amisom.
Wararki ugu danbeeyay ayaa ku waramaya in dhaawaca gudoomiyaha iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo dhaawac uu soo gaaray waxaa la gaarsiiyay degamda jalalaqsi.
PUNTLAND POST