C/llaahi Goodax Barre oo kamid ahaa xildhibaanada waqtigooda uu idlaaday ayaa maanta markale waxa uu ku guuleystay kamid noqoshada xildhibaanada cusub ee baarlamaanka soomaaliya.
Kursiga tartankiisa uu ku soo baxay C/llaahi Goodax Barre oo ah kursiga Beesha Agoon ee Xawaadle ayaa waxaa doorashadiisa lagu qabta magaalada jowhar.
Wareegi labaad ayuu si rasmi ah u soo baxay, C/llaahi Goodax Barre oo ku sigtay wareegi koowaad in laga adkaado.
Dhana kale DrsĀ Mina Xasan Maxamed oo la tartameysay musharixiin kale ayaa ku soo baxday doorashada aqalka hoose iyadoona kamid noqotay xildhibaanada cusub waxana Drs Mina Xasan Maxamed ay la timid codod gaaraya 27 cod,
Drs Mina oo ka soo jeeda beesha Abgaal ayaa kamid noqotay xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya iyadoona mudooyinki la soo dhaafay lagu eedeyaynayay guddiga doorashooyinka Hirshabeelle in ka gaabiyeen qoondada ay haweenka ku lahaayeen Baarlamaanka.
Cabdulaahi Goodax Barre ayaa kamid ah Siyaasiinta sida weeyn uga soo horjeeda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
PUNTLAND POST