Trump: Soomaaligii weerarkii Ohio gaystay ma ahayn inuu dalka joogo

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in ninkii Soomaaliga ahaa ee dhowrka qof ku dhaawacay jaamacad ku taalla Ohio ka hor inta aan isaga la toogan uu ahaa qaxooti aan mudneyn inuu markii horaba dalka sii joogo.

Weerarkaasi oo Jimcihii dhacay ayaa waxaa geystay wiil Soomaali ah oo la yiraahdo Cabdul Rasaq Cali Cartan oo jaamacadaasi wax ka baranayay.

Kooxda la magac baxday Dowladda Islaamig ee Daacish ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkaasi oo 11 qof lagu dhaawacay.
Bogga wakaaladda wararka ee xiriirika la leh kooxdaasi, Amaq ayaa sheegtay in wiilkaasi 18 sano jirka ahaa ee bartay cilmiga ganacsiga uu ahaa “Askeri” iyaga ka tirsan.

“Kooxda Daacish ayaa ku faaneyso tooriyayntii jamaacadda Ohio oo uu geystay qaxooti Soomaali ah oo markii horaba aan mudneyn inuu dalkeena joogo”, ayuu yiri, Donald Trump oo bartiisa Twitter-ka hadalkan ku qoray.

PUNTLAND POST