Waxaa Lagu Wadaa Maanta oo Arbaco ah taariiqduna ay ku beegantahay 30 Novembar in Muqdisho ay ka dhacdo Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose Ee Beelaha Banaadiriga ah.
Guddiga doorashada dadban ee heer Federaal ayaa horay u iclaamiyay in doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Beelaha Banaadiriga ay ka dhaceyso Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.
Doorashada ayaa ka dhaceysa xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir halkaasoo ammaankeedu si aad ah loo adkeeyay, waxaa ku sugan ciidamo kala duwan ee dowladda Soomaliya ka Tirsan.
Xubnaha lagu dooranayo Muqdisho ee Beelaha Banaadiriga ayaa gaaraya 3 xubnood, waxaana dooran doona ergooyin la cayimay.
Amaanka Magaalada Muqdisho Ayaa Maanta Si Aad ah loo adkeeyay waxaana subixii hore ee Saakay Lagu Soo Daadiyay Muqdisho Ciidamo katirsan Kuwo Dowlada iyo AMISOM.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho