Shirkii Billaha ahaa ee guddiga fulinta Mashruuca CIP oo Garowe ka Furmay

Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta ee Mashruuca tayaynta shaqaalaha (Capacity Injection Project) ayaa maanta lagu qabtay Wasaaradda Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee dawladda Puntland, iyadoona ay kasoo qayb galeen xubno matalayey dhammaan hay’adaha iyo wasaaradaha ka faa’iidaysanaya Mashruuca tayaynta shaqaalaha.

Waa shirkii sideedaad ee uu guddigu yeesho muddadaan uu socdey mashruucaan labo sano jirsadey CIP, waxaana sannad walba xoogga lagu saaraa qaabkii loosii horumarin lahaa mashruuca isla markaana loo dejin lahaa qorshe hawleedka sannadka xiga iyo sidii wax laysaga weydiin lahaa guulihii la gaarey sannadkii hore iyo caqabadaha lasoo gudboonaadey.

Ugu horrayn waxaa shirka hadal kasoo jeediyey Axmed Diiriye oo ah kusimaha Madaxa mashruuca tayaynta shaqaalaha dawladda Puntland waxaana uu tilmaamay in ujeedada shirkaani ay tahay in diiradda lagu saaro qorshe hawleedka mashruuca ee sannadkaan 2017-ka iyo diyaarinta dhaqaalaha hawl socodsiinta mashruuca ee sannadka labaad ee 2017-ka.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland Mustafa Saciid Shabac oo isaguna shirka hadal ka jeediyey ayaa xusay in mashruuca wejigiisii koobaad uu kusoo dhammaaday guulo waaweyn isla markaana wejiga labaad uu bilaaban doono sannadka cusub, iyadoona sannadkaan la qaadan doono shaqaale hor-le kuwaas oo ah Technical Experts Khabiirro ama Xeel-dheerayaal kuwaas oo noqon doona shaqaale dawladeed.

Ugu dambayn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah Xuseen Cabdi Jaamac oo shirka furay ayaa xusay in shaqaalihii la qaatay ay isbeddel mugle ka muujiyeen xarumihii ay tageen isla markaana ay tahay guulo la gaarey oo lagu faani karo, sidoo kale waxa uu tilmaamay in wejiga labaad ee mashruuca xoogga lagu saari doono sidii looga gudbi lahaa baahiyaha kale ee weli ka jira xarumaha.

Shirka  ayaa muddadii uu socdey  waxa ay wasaarad walbi kusoo bandhigtay qorshe hawleedkeeda sannadka 2017-ka iyagoo ku salaynaya baahiyaha aasaasiga ah ee kajira hay’adaha ka faa’iidaysanaya mashruuca CIP, waxaana la qorshaynayaa in ay geba gebada shirkaan kasoo baxaan  qodobbo dhaxal-gal u ah shacabka reer Puntland.

—-DHAMMAAD—-

 

dsc_0027 dsc_0028 dsc_0032 dsc_0034 dsc_0035 dsc_0036 dsc_0040 dsc_0042 dsc_0046 dsc_0048 dsc_0049 dsc_0052 dsc_0053 dsc_0056 dsc_0058 dsc_0064 dsc_0066 dsc_0071 dsc_0077 dsc_0081 dsc_0088 dsc_0107