Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah oo khasaare geeystay.
Qaraxa ayaa ka dhacay Wadada Afisyooni Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Wadada gasha irada Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa Waxaa ka dhashay khasaarooyin isugu jiro Dhimasho iyo Dhaawac oo soo gaaray dad Rayid ah iyo Askar katirsan Ciidamada Dowlada FederaalkaSoomaaliya.
Warar soo baxaya ayaa waxa ay Sheegayaan in Qaraxaasi qorshihiisu uu ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho