Sarkaal u Shaqeeynayay imaaraadka Carabta oo Qarax Lagu Dilay Muqdisho

Waxaa  gordhow qarax  ka dhacay magaalada muqdisho ku dhintay sarkala u shaqeynayay Dowladda iskutaga Imaaradka carabta.

Sarkaalka dhintay oo somaali aha ayaa la xaqiijiyay in gaari uu watay uu ku qarxay xili uu marayay isgoyska Maano-boolyo ee degmada shibis ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo si weyn loga maqalay degmada shibis, ayaa waxa   dhinaca kale goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya.

Sarkaalka oo aan magaciisa weli aanan helin ayaa waxa uu kamid ah sida la sheegay saraakiisha la shaqeysa safaarada imaaraadka carabta ay ku leeyihiin magaalada muqdisho.

Wararka qaar ee soo baxaya ayaa tilmaamaya in sarkaalkaan uu sido kale tawabare ka aha ciidamo imaaraadka ay ku tawabarayaan qeybo kamid ah magaalada muqdisho.

Xasan Maxamed samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho