Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka Oo Gaaray Cadaado

Wararka ka imaanaya magalaada cadaado ee gobolka galgaduud ayaa ku waramaya in halkaa maanta uu gaaray wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dad ban ee Dalka Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegey)

Abuukaate Cumar waxaa magaalada cadaado ku soo dhaweeyay madax ka tirsan maamulka galmudug iyadoona sidoo kale si weyn loo xaqiijiyay amaanka magaalada cadaado.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha ugu badan ee magaalada u gaaray Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegey)  Ay tahay sida uu madaxda galmudug iyo guddiga doorashooyinka galmudug uu kala hadli lahaa caqabado mudooyinki la soo dhaafay hareeyay doorashooyinka aqalka hoose ee ka soconeysyo cadaado.

PUNTLAND POST