Doorashada Soomaaliya oo Musuq Maasuq ka jiro iyo Jubbaland oo Doorashadii la hakiyay

Dr. Nuur Jimcaale Faarax Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Sommaliya ayaa sheegay in doorashada ka socota dalka ay hareeyeen musuq maasuq codadka oo la kala iibsanayo, ku takri-fal awoodeed iyo cabsigelin.

Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Sommaliya Dr. Nuur oo la hadlayey VOA-da ayaa sheegay inay diiwaangeliyeen illaa lix kursi oo dadka haatan ku fadhida ay ku soo baxeen qaab sharciga aan  waa faqsanayn, isagoo xusay in laaluushka si xishood la’aan ah loo kala qaadanayo.

Madaxda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay dhaqaale fara badan inay u adeegsanayaan Doorashooyinka, taasina ay cadeyn utahay shaqsiyaadka Madaxweynaha ka agdhaw ee Doorashada ku soo baxay.

Guddiyada doorashada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayuu ku eedeeyay Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Sommaliya in ay lacagaha diiwaan gelinta ay ku shubteen akoono khaas ah, lagana weeciyey akoonadii loogu talo galay.

Guddoonka Doorashooyinka ayuu sheegay Dr Nuur Jamcaale in ay qaadayaan Masuuliyada isla xisaabtankiina arintaas.

Dhanka kale Doorashada Aqalka hoose ee ka socotay Magaalada Kismaayo ayaa hakad la geliyay, kadib markii ay soo baxday musuq maasuq ku aadan in Ergada wax dooranaysa in la isdaba mariyay.

Nabadoon ka mida Nabadoonada Beelaha dega Jubbaland Ergo uu soo qoray ergo aanan aheyn ayaa la geeyay goobtii Doorashada ay ka dhaceysay, taasi oo keentay in Nabadoonka uu ciidamada ammaanka ku wargeliyo Ergada xaroonaysa inaysan aheyn kuwii uu soo qoray.

Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa is hor istaag ku sameyeen Ergada, iyadoo Nabadoonka uu yeeriyay magacyada, waxaana meesha laga helay sideed ruux oo aanan aheyn kuwii uu Nabadoonka soo qoray.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Jubbaland ayaa lagu eedeeyay uu sameeyay wax isdaba marinta Ergada ku aadan.

PUNTLAND POST