PP- Galkacyo: Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in koox hubeeysan ay Xalay weerar ku qaadeen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in kooxahaas oo watay dharka Ciidamada in ay weeraraeen dhowr xarumood oo ay kamid yihiin goobo Ganacsi.
Intaasi ka dib kooxaha ayaa weerar waxa ay ku qaadeen Hoteel uu Magaalada Gaalkacyo ka daganyahay Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.
Ciidamada ilaalada Madaxweyne Guuleed iyo kooxihii soo weeraray ayaa Rasaas muddo badan is weeydaarsanayay.
Afhayeenka Galmudug oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo sida ay wax u dhaceen .
Faah Faahinta Dib kala soco Insha allahÂ
PUNTLAND POST