Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia oo kamid Noqday baarlamaanka Somalia

Wasiirka Arrimaha Gudaha  Xukuumada Waqtigeeda uu Dhamaaday Ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa  ayaa noqday xildhibaan Aqalka Hoose.

Kadib Doorasho ka dhacday magaalada Cadaado ayuu Wasiir odowaa ku guuleeystay Kamid Noqoshada Xubnaha Baarlamaanka Soo Socdo Ee Somalia.

odowaa ayaa helay oo ku soo baxay Codad gaaraya  46 cod oo uu ka helay Xubnaha Baarlamaaka Maamulka Gal-Mudug.

Wasiir Odowaa ayaa Waxa ay Si aad ah isugu Dhow yihiin madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa Magaalooyinka Jowhar Kismaayo iyo Cadaado lagu Doortay Xubno Ay aad isugu Dhowyihiin Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND POST