Weeraro Ismiidaamin ah iyo Dagaal Xalay ka Dhacay Degmada Tiyeeglow

Weeraro isugu jiray qaraxyo ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah ayaa xalay lagu qaaday fariisimo Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur galbeed ku lahaayeen Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool.

Gudoomiyaha Degmada Tayeeglow Maxamed Cabdullaahi Xasan (Foodcade) ayaa sheegay in 8 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ay isku qarxiyeen xarumaha ciidamada dowlada Somaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur galbeed ee Degmadaas.

Dhanka kale gudoomiye ku xigeenka Degmada Tiyeeglow, Maxamed Isaaq Cabdi, ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi looga dilay Afar askari, halka tiro kalana ay kaga dhaawacantay, ayna dagaalka ku dileen 5 nin oo ajaaniib ah oo ka tirsan Al-shabaab, sida uu sheegay .

Taliyaha Guutada 8-aad ee Ciidanka Soomaaliya General Xasan Isaaq Xasan Baydhabo ayaa sheegay in ay ku dileen 50 ka tirsan Al-shabaab dagaalka xalay oo dhan ka socday Tiyeeglow , wuxuuna ku tilmaamay  midkiisii ugu adkaa, oo labada dhinac isaga horyimaadaan .

Ciidammada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur galbeed ayaa maalmo ka hor Al-shabaab kala wareegaan gacan ku heynta Degmad Tiyeegloow oo ay isaga baxeen Ciidammada Itoobiya.

PUNTLAND POST