Xalay waxaa dunida lagu arkay dayax aad u weeyn kana iftiin badan sidii hore taasi oo ay dadka dunida si aad ah ay u la yaabeen.
Dayaxa ayaa la sheegay in uu masaafo aad u dhow uu xalay u soo jirsaday dhulka sida ay sheegeen quburo dhanka dayaxa ah.
Arintaan oo kale ayaa la sheegay in ay dhacday Sanadkii 1948-dii oo hadda laga joogo ku dhowaad 70 Sano.
Hay’adda NASA oo ah Ha’ay ka faaloota arimaha dayaxa ayaa sheegtay in dayaxa uu dhulka u soo jirsaday masaafo gaareeysa 348,000 KM
Dadka dunida ayaa si aad ah u hadal haya Arimahaasi iyada oo Soomaaliyana ay kamid tahay meelaha Dayaxa xalay uu sida aadka ah uga iftiimiyay.
Hoos ka daawo Sawirada


Puntland Post